Wednesday, June 7, 2023

LEARN THE FULL HISTORY OF SOMALI COUNTRY........

 Soomaaliya (Af Ingiriis SomaliaAf Carabi الصومال, Wadaadصومالِيَ), sida rasmiga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Af Ingiriis Federal Republic of Somalia) (waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii hore ee Hantiwadaaga), oo sii dhaxal ahaana loo yaqaano Soomaal waa Dowlad iyo wadan dhacda Geeska Afrika ama Foolalka Afrika ee kasii socda Marinka Gardafuul. Wuxuu ka kooban yahay maamul goboleedyo sida PuntlandJubalandGalmudugHirshabeelleKoonfur Galbeed. Waxaa ka xiga bariga marinka Gardafuul iyo Seyshelles, iyo Soqotra iyo badda Soomaal, koofuurna Kenya. Waxaa ku nool dad Faanyahan ah, iyo dadka Dhul-hoos Bari Kushiitik ah.

Waxaa dawlada Soomaaliya ka horeeyay boqortooyada Diiriye Guure. Juquraafi ahaan

Kiinya Koofur galbeed, iyo Gacanka Cadmeed woqooyiga iyo Marinka Gardafuul bariga iyo Itoobiya galbeedka. Waxay leedahay xad badeedka ugu dheer qaaradda Afrika. Waxaa kala duwan qaabka dhulka kuwaas oo kala ah BuuroDul iyo Bannaan. Cimiladeeda oo ah lama degaan kulul dhamaan sanadka iyada oo ay jiraan xoogaa dabaylo xilliyeed iyo roobab aan joogto ahayn.

Soomaaliya xilliyadii hore waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee ka dhexeeyay dawladihii hore ee caalamka. Xilli ay ahaayeen Badmareenada iyo ganacsatada Soomaaliyeed kuwo dhoofiya Luubaanta iyo Malmalsha taasoo ka dhignayd kuwo u soo saari jiray Masartii hore, Fiiniqiyiintii, Maysuuniyiintii iyo Baabil taasoo isku xiri jirtay dhammaan gaadiidka Awrta ama Geela ganacsiga Soomaaliyeed waxay la wadaageen Soomaalida xiriir ganacsi.[4][5] Sida ay la tahay in badan oo taariikhyahano ah iyo kuwa dhiga taariikhda, waxay cadeeyeen Soomaaliya in ay tahay meesha lagu tilmaamay dhukii Buntiga ee hore taasoo la lahayd xiriir wanaagsan Faraaciintii Masar gaar ahaan xilligii Fircoon "saaxuurac" ee ka midka ahaa boqoradii Masar casrigii Dawladdii hore, iyo boqortooyadii "Xatshabsuut" ee ka mid aheeyd boqoradii qoyskii reer masar ee sideed iyo tobanaad casrigii dawladda cusub.[6][7][8][9] Waxaa loo malaynayaa arrinkaas dhismeyaasha Ahraamta iyo Macbadyo iyo dhismeyaal ee lagu dhisay Garanayt iyo Shiil Cad taasoo loo malaynayo waqtigeeda isla xililligaas una dhigma kuwa la midka ah ee dhismeyaashii msar.[10] sidoo kale xilliyadii hore, waxaa tartamayay dawlado kuwaasoo isku dayay in ay xiriir la yeeshaan dadyoow deganaa dhuka Soomaaliyeed sida jasiiradda xaafuun raas casayr iyo Malaw iyo Mareeg iyo dariskooda Boqrtooyadii Saba iyo Arshek iyo Boqortooyadii Aksam ee ku salaysan ganacsi iyo qaybo ka mid ah boqoro ka jiray Hindiya iyo Giriiga iyo Roomaanka.[11] Markii ay ka soo if baxday diinta islaamka meel ku beegan geeska AfricaSoomaaliya Badda cas waxay soo qaateen ganacsatada iyo badmareenada soomaaliyeed ee aadi jiray Jasiirad la mooda carbeed diinta Islaamka taasoo ka dhalatay macaamilka ay la lahaayeen carabta Muslimka ah. Hijrooyinkii ay sameeyeen dad saxaabada ka mid ah meelo badan oo dunida muslimka ah qarniyadii hore ee diinta islaamku faafaysay ayaa waxay sahashay in ay soomaalidu qaadato diinta islaamka si nabad ah macalimiin Soomaaliyeedna ayna barayeen dadka, waxaa ka dhismay dhulka Soomaaliyeed dawlado iyo magaalooyin islaami ah sida magaalooyinka MuqdishoBaraaweMareeg iyo Marka, taasoo ahayad qayb ka mid ah ilbaxnimadii Soomaalida. Waxaa loo yaqiin magaalada muqdisho "Magaaladii Islaamka"[12] Waxaa la joogay ganacsiga dahabka ee ku taal Bariga Afrika qarniyo badan.[13] iyo Casriyadii dhexe, Boqotooyooyin Soomaaliyeed baa la wareegay wadooyinkii ganacsiga sida saldanadii Ajuuraan taasoo xukumaysay dhulka intii u dhexaysay qarniyadii laba iyo tobanaad ilaa todoba iyo tobanaad ciise dabadii taasoo alliftay hindisaha cilmiga dareeraha dheqdheqaaqa iyo dhismeyaasha darbi difaaca,[14] Sidoo kale saldanadii Cadal taasoo Imaam Axmed Guray waa ciidankii ugu horeeyay afrika ee adeegsada Madfac dagaalkii lagula jiray xabashida[15] intii u dhexaysay sanadihii 1529 ilaa 1543, sidoo kale qoyskii Goonroon taasoo xukumi jirtay magaalada Laamu ee xiriirka la lahayd saldanada cumaan ee iyana hoos imaan jirtay Cusmaaniyiinta kaasoo ka qaadi jiray Jizyo suldaan axmed yuusuf, suldaankii afaraad ee Ajuuraan kaasoo xukumayay intii u dhexaysay 1848 ilaa 1878.[16] Qarnigii sagaal iyo tobanaad kadib kulankii Baarliin 1884, boqortooyooyinka yurub waxay u soo direen cidmadooda Baragiga Afrika Si ay dhulkaas caalamka istiraatiijiga u ah u qabsadaan taasoo kaliftay in Diiriye Guure, aasaasihii dawladdii daraawiishta in uu ciidamo soomaali ah ka soo usruusado geeska afrika oo dhan waxay ahayd inta taariikhda la ogyahay is hortaag kii ugu weynaa ee lagu sameeyo Isticmaarka.baraawe

Waxaa u suurta gashay Soomaalida ugu horayn ka hortagga Soomaalida.[17][18][19][20] dawladii boqortooyada Diiriye Guure waxay iska caabiyeen Ingiriiska afar mar oo isxigta waxaana lagu qasbay in ay dib ugu gurato dhanka xeebaha. waxay jabtay boqortooyda Diiriye Guure 1920 kadib adeegsigii Ingiriiska uu adeegsaday diyaaradaha intii dagaalka lagu jiray duqaynta taleex caasimadda ciidankii Diiriye Guure iyo dhamaan dhulkii Diiriye Guure waxaa la wareegay ciidmadii gumaysiga Ingiriiska. Sidoo kale Talyaaniga wuxuu la kulmay iska caabin kaga imaanaysay salaadiin Soomaaliyeed mana uwada suurta galin in uu wada qabsado qaybo ka mid ah dalka ee hadda loo yaqaan Dawladda Soomaaliya marka laga reebo xilligii fajiistaha dabayaaqadii sanadkii 1927 waxayna haysteen ilaa 1941 kaasoo lagu bedelay xukunkii ciidmada ee Ingiriiska. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu sii ahaaday mustacmarad Ingiriis ah halka koofurta Soomaaliya isku bedeshay dawlad madax bannaan laakiin ay la socoto wasaayad ilaa laga gaaro midayntii labada gobol 1960 kuma midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya. Soomaaliya waxay xubin ka noqotay Jaamacada Carabta sanadii 1974. sidoo kale Soomaaliya waxay xiriir fiican la samaysatay dadlalk afrika, waxay ka mid ahayd dawladihii aasaasay Midowga Afrika, waxay taageeri jirtay ANC ee Koonfur Afrika kana soo herjeeday nidaamkii Apartheid ee cunsuriga ahaa[21] waxay kaloo taageertay Soomaaliya dagaalyanada Eratareya intii ay ku jirtay Eretariyiinta dagaalkii looga soo horjeeday Itoobiya.[22] Iyadoo ka mid ah Dawladaha Islaamiga hadana Soomaaliya waxay ahayd aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka sidoo kale waxay xubin ka ahayd Qaramada Midoobay. Soomaaliya iyadoo dhibaato kala kulantay Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyo deganaasho la'an ku baahday gudaha, waxay ku guulaysatay abuurista Suuq xor ah kana sareeya inbadan ee nidaamayada dhaqaale ee Afrika kale sida ay sheegtay daraasad ay sameeysay qaramada midobay.[23]




Share:

Who is the new prisindent now in kgs somali?

 


Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.


xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.

Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna helay codad gaarayo 101 cod halka musharraxii kusoo xigay Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22 cod.


Qoraalka sawirka,

Doorashada Koonfur Galbeed

Sida uu doorashada ugu guuleystay

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa aad ugu jala qeybsamayay siyaasiyiinta iyo bulshada maamulkaasi.Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin wax garadka ayaa in muddo ahba ku celcelinayay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay siyaasi ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka, iyagoo arrintaasna ku qeexay fara galin lagu sameeyay hannaankii doorashada.

Dad kale waxay ku doonayaan in dowladda dhexe ay waddada u xaartay siyaasigan si uu xilka ugu hanto qaab sahlan.

Waxyaabaha ay ku doodayaan waxaa ka mid ah in labadii siyaasi ee loollanka adag galin lahaa ay meesha ka baxeen.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa is casilay doorashadana isaga haray ka dib markii uu ka cawday cadaadis siyaasadeed oo la saaray.

Sidoo kale maalmo yar ka hor xilliga doorashada loo ballansanaa, waxaa xabsiga loo taxaabay Mukhtaar Roobow, oo loo arkayay inuu ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad doorashada, shakigana galin karay inuu xilkan ku soo baxo Cabdicasiis Laftagareen.

Caqabadaha horyaala

Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta Gareen oo cod aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashada xilka madaxweynaha ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaa sida muuqata hor yaalla caqabado waaweyn oo saameyn ku yeelan kara maamulkiisa cusub.

Arrinta ugu horreysa ee uga baahan in uu xal u helo ayaa ah amniga gobolka, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay maalmihii la soo dhaafay ka dheceen xasarado salka ku hayay doorashada, iyadoo haddana wali ay walaac xooggan muujinayaan qaar ka mid ah shacabka.

Qodobka labaad ee madaxweynaha cusub shaqada badan uga baahan ayaa ah sidii uu u soo af jari lahaa kala qeybsanaanta baahsan ee ka dhex jirta siyaasiyiinta iyo bulshada ka soo jeeda Koonfur galbeed, kuwaasoo qaarkood ay si weyn uga soo hor jeedaan doorashadiisa.

Shan musharrax oo ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ayaa kula loolamayay xilkan, waxayna horay u tabanayeen cabashooyin ku qotoma awooddiisa siyaasadeed.

Share:

WAA MAXAY DIIN? jawaab waafi ah Ka Faaideyso SHEAKH HASSSAN GAAB

                        Waa Maxay Fahanka diinta islaamka?

Qaar badani waxay yiraahdaan aqoon-is- waydaarsiga diinta ayaa ku leh erayga calaamadiga ah ee cirqiga , taas oo macnaheedu yahay "inuu xiro, inuu xiro." Tani waxay u muuqataa in loo riyaaqay fikradda ah in ay ka caawiso sharaxaadda diinta awoodda inay ku xirto qof bulshada, dhaqanka, ficil tallaabo, fikrado, iwm. Oxford English Dictionary ayaa tilmaamaya, in aqoonta erayga shaki. Qorayaasha hore sida Cicero ayaa ereyga ku daray ereyga " relegere" , taas oo macneheedu yahay "in mar labaad la akhriyo" (laga yaabee in la xoojiyo dabeecada dhaqanka ee diimaha ?).

Qaarkood waxay ku doodaan in diinta aaney jirin xitaa marka hore - waxaa jira dhaqan kaliya, diintuna waa mid muhiim u ah dhaqanka aadanaha. Jonathan Z. Smith wuxuu qoray : Diinta Diinta:

"... inkastoo ay jiraan tiro qarsoon oo xog ah, dhacdo, waayo-aragnimo bani-aadminnimo iyo tusaalooyin kuwaas oo laga yaabo in lagu tilmaamo mid dhaqameed ama mid kale, hal jaantus ama mid kale, sida diinta - ma jirto xog diin ah. Abuuritaanka cilmiga aqooneed ee cilmiga ah, waxaa loogu talagalay ujeedooyinka falanqaynta aqoonyahanka cilmi-baarista ee is-barbardhiga iyo isu-dheelitirka, Diinta waxba kama jiraan akadeemiyadda.

Waa run in bulshooyin badani aysan soo saarin khad toos ah oo u dhaxeeya dhaqankooda iyo aqoonyahaniinta ay u yeerayaan "diinta," sidaas daraadeed Smith waxay leedahay qodob sax ah. Tani macnaheedu maaha in diinta aysan jirin, laakiin waa muhiim inaad xitaa maskaxda ku hayso xitaa marka aynu u maleyno inaanu ku hayno diinta, waxa laga yaabaa inaan nafta nacas nahay maxaa yeelay ma awoodno inaan kala saarno waxa kaliya ee dhaqanka "diinta" iyo waxa qayb ka ah dhaqanka guud ee laftiisa.

Ficil ahaan iyo qeexitaanno qeexan oo diin ah

Aqoonyahano badan iyo tacliin sare oo isku dayo inay ku qeexaan ama u tilmaamaan diinta ayaa lagu kala saari karaa mid ka mid ah laba nooc: shaqeyn ama wax ku ool ah. Mid kastaa wuxuu u taagan yahay aragti aad u kala duwan oo ku saabsan nooca shaqada diinta. Inkasta oo ay suurtagal tahay in qofku aqbalo labada noocba sida ugu dhaqsaha badan, dhab ahaantii, dadka intooda badani waxay u muuqdaan kuwo diiradda saaraya hal nooc oo ka baxsan kuwa kale.

Qeexitaano badan oo diin ah

Nooca qofku diiradda saarayo wuxuu wax badan ka sheegi karaa waxa uu ka fikirayo diinta iyo sida uu u arko diinta nolosha nolosha. Kuwa diirada saaraya sharaxaadda muhiimka ah ama diiniga ah, diintu waa wax walba oo ku saabsan mawduuca: haddii aad rumaysantahay noocyo kala duwan oo aad leedahay diin markaanad rumaysanin, ma lahan diin. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah caqiidada ilaahyada, aaminsanaanta jinniyada, ama aaminsanaanta wax la

Share:

Suu'aalo iyo jawaabo Xiqmado..

 

TUSAALO

3. Haddii aad ka cabsan jirtay kelinimada (cidlada). Hada ka cabso inay saaxiib kuu noqdaan dad xun.

4. Qof kasta qalad ayuu sameeyaa nolosha, laakiin taasi macnaheedu maaha inay naftooda u ciqaabaan. mararka qaar dad wanaagsan ayaa sameeya doorasho xun, micnaheedu maaha in ay xun yihiin. micnaheedu waa in ay bini’aadan yihin

5. Waxaa jira shan kelmadood muhiim ah nolosha. Caqiido, Jaceyl, Daacadnimo, Aaminaad iyo Xushmad. Haddii ay noloshaada ka maqan yihiin ku dhaqanka Kelmadahan wax badan baa kaa dhiman.

6. U isticmaal codkaaga naxariis, dhegahaaga wax kheyr leh inay maqlaan, gacmahaaga sadaqo, maskaxdaada runta, qalbigaaga jaceyl, jirkaaga oo dhan cibaado iyo Alle ka cabsi.

7. Xabsiga ugu weyn ay dadka ku noolaadaan, waa cabsida iyo ka welwelida waxa dadka kale ka aaminsan yihiin

8. Hadii aad iska hadasho wax badan waxaad ku celinaysaa wixi aad horay u taqaanay keliya. Laakiin haddii aad dhageysato, waxaad baraneysaa wax cusub.

9. Dad qaarkii waxay garanayaan magacaaga keliya, ma oga qisadaada. Waxay arki karaan dhoolacadeyntaada keliya, ma oga xanuunkaaga. Waxay la yaabaan aamuskaaga, ma oga waxa maskaxdaada ku guuxaya. Waxay aqrin karaan qoraal aad soo qortay laakiin ma oga waqtiga aad ku lumisay!

10. Waxaa jira laba nooc oo Daal ah. Mid waa daal aad hurdo iyo nashasho u baahan tahay. Midna waa daal aad Nabad iyo Nolol u baahan tahay. Soomaalidu waxaa haya daal ay u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.

Share:

Sanad iyo bar ka hor Madaxa fulinta Barcelona...Ciyaaraha

  Gerard Romero






Sanad iyo bar ka hor Madaxa fulinta Barcelona : “Mateu Alemany Font” ayaa doonaayay inuu 60M kula soo wareego ciyaaryahanka kooxda Ac:Milan Rafael Leao balse tababare Xavi ayaa diiday wuxuuna sheegay inuusan ku habooneen falsafadiisa taa badalkeedana kooxda Lasoo saxiixato Ferran Torres, maamulka kooxda iyagoo fulinaya dalabka tababaraha ayay lasoo wareegeen Torres
Share:

Tababarkaan oo lagu baranayey qaabka tebeinta wararka arimaha bani'aadanimada.Waziirka wazarada war faafinta KGs

 Tababarkaan oo lagu baranayey qaabka tebeinta wararka arimaha bani'aadanimada, xuquuql aadanaha iyo kor u qaadista tayada xirfada saxafiyiinta waxaa maanta magaalada baydhabo loogu qabtey weriyaal ka kala socdey wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada dowlada KGS iyo kuwa ka socdey warbaahinta madaxa banaan ee magaaalada.




wasaarada warfaafinta dowlada KGS  oo mudooyin kii ugu danbeeyey ku howlabeyd xoogana saareysey sidii weriyaasha koonfur galbeed sare loogu qaadi lahaa aqoontooda ayaa soo qaban qaabisey tabarbarka,

wazxaana gacan ka geystey hay'ada UNSOM oo mar walba u taagan sidii ay u fufudeyn laheyd barnaamijyada ku saabsan arimaha bani'aadanimada.

cumar mustafa nor agaasimaha guud ee tv-ga iyo raadiyaasha KGS oo ka soo qeyb galay furitaanka tababarka  ayaa ugu horey sharaxaya ahmiyada tababarka iyo waxyaabaha lagu baranayey.  COD

gudoomiyaha ururka saxafiyiinta KGS ahna gudoomiye ku xigeenka ururka saxafiinta soomaaliyeed ee FOSOJ muxdiin xasan xusni ayaa sidoo kale ka hadlaya faa'idada uu u leeyahay tababar kaan saxafiyiinta maanta fursada u heshey iney ka faa'ideystaan, isagoona wasiirka wasaarada warfaafinta mudane cabdifatax cali yuusuf ugu mahad celiyey garab istaaga uu u muujinayo weriyaasha madaxa banaan.  COD

mudane cabdifatax cali yuusuf wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyugelinta bulshada Dowlada KGS oo isagu daahfurey tababarka ayaa sheegey in wasaarad ahaan mar walba ay u taagan yihiin sidii ay u siin lahaayeen weriyaasha KGS fursado kor loogu qaadayao aqoon tooda si ay ulaba laabaan barnaamijyada horumarka ah ee xilligaan ay ka heyaan degaanada KGS . COD

dhowaan ayey aheyd markii wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada dowlada KGS ay baydhabo ku qabatey tababar ku saabsanaa qiyamka iyo anshaxa dadweynaha kaasi oo ay taabagelisey wasaarada, ayna ka faa'ideysteen dhamaan shaqaalaha wasaarada.

Share:

Search This Blog

Powered by Blogger.

Blog Archive

LEARN THE FULL HISTORY OF SOMALI COUNTRY........

  Soomaaliya  ( Af Ingiriis  :  Somalia ,  Af Carabi  الصومال,  Wadaad :  ‏ صومالِيَ ‎ ), sida rasmiga ah loo yaqaano  Jamhuuriyadda Federaa...